U bood dhigaalka

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Maanta Gaaray Magaalada Hargeysa (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Garoonka diyaarada magaalada Hargeysa waxaa maanta soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo deegaanada Somaliland ka maqnaa in ku dhaw 20-sano.

Soo dhaweynta Buubaa waxaa ka qeybgalay shacab aad u badan iyo sidoo kale madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Shacabka soo dhaweynta Buubaa ka qeybgalay ayaa ku hadaaqayay erayo soo dhaweyn ah, iyadoo dadka ay buux dhaafiyeen Garoonka Hargeysa iyo banaankiisa.

Siyaasi Buubaa oo si kooban uga hadlay soo dhaweyntiisa ayaa u mahad celiyay cid walba oo kusoo dhaweysay magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in wixii kartidiisa ah uu ka geysan doono Somaliland.

“Aad baan ugu faraxsanahay inta igu soo dhaweysay magaalada Hargeysa, hadal badan ma rabo inaan dhaho oo dib baan ka wada hadli donnaa, waxaanse idiin sheegayaa in aan Somaliland u rajeynayo guul iyo horumar, anigane kaalin baan ka geysan doonaan inta kartideyda ah”

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowaladihii dalka soo maray, waxaana wasiir arimo dibadeed uu kasoo noqday dowladii KMG ahayd ee uu hogaaminayay Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Halkaan hoose ka arag sawirada

Buubaa6 Buubaa5 Buubaa4 Buubaa3

Goobjoog News