U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Dhiban Yemen Iyo Kenya Oo Lagu Baaqay In Loo Gurmado

Sheeko:Dalka

Siyaasi Cabdiqaadir Abuukar Ibraahim oo ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u gurmadaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya.

Ajuuke ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed maanta looga baahan yahay in ay is gacan qabtaan, islamarkaana u istaagaan sidii ay qarashaad isugu dari lahaayeen, looguna gurman lahaa dadkaasi.

“Cid walba oo Soomaaliyeed waajib ayaa ka saaran in ay caawiso dadka Soomaaliyeed ee Yemen iyo Kenya ku sugan, waxaan caadeysanay in dad aan gacan u hoorsano maanta anaga aan isku filnaanno, nin walba oo waxa uu awoodo ha dhiibo” ayuu yiri Ajuuke.

Dhinaca kale siyaasigaan ayaa sheegay in dowladda Federaalka dhankeeda waajib uu ka saaran yahay sidii ay shacabka Soomaaliyeed wax ugu qaban lahayd, islamarkaana muhiim ay tahay badbaadinta nafta qaxootigaasi.

Soomaali badan ayaa ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya, haba ugu darnaadaan kuwa ku sugan Yemen oo dushooda lagu dul dagaallamayo.

Goobjoog News