U bood dhigaalka

Siyaasi Maxamed Suldaan “Go’aankii Xarunta Baarlamaanka Galmudug Lagu Keenay Cadaado Waa Guul”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Maxamed Suldaan Axmed Nuur oo kamid ah siyaasiyiinta Galmudug ayaa guul ku sheegay go’aankii madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf ee baarlamaanka Galmudug xarunta looga dhigay degmada Cadaado.

Wuxuu sheegay siyaasigan in arrinta ugu weyn ay tahay in degmada Cadaado oo muddo badan dhabarka u ridatay Galmudug lagu abaalmariyo waxay ku qancaan dadka deggan magaaladaasi.

Sidoo kale, siyaasi Maxamed Suldaan ayaa sheegay in hadda loo soo jeedsanayo oo kaliya in wax la qabto, islamarkaana mid laga noqdo aayahay Galmudug.

“Madaxweynaha waan  uga mahadcelineynaa dedaalka wanaagsan ee uu ugalay sidii uu isugu keeni lahaa shacabka Galmudug, shacabka Galmudug hadda waa mid, Cadaado wey u qalantay in abaalmarin intaan la eg iyo ka badanba la siiyo waana guul” ayuu yiri siyaasigan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si wadajir ah Talaadadii shalay ugu dhowaaqay in Cadaado tahay xaruntii baarlamaanka Galmudug.

Goobjoog News