U bood dhigaalka

Siyaasi Maxamed Xaaji “Dowladda Farogelinta Haka Deyso Galmudug”

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah siyaasiyiinta Galmudug ayaa dowladda ku eedeeyay inay fargalin ku heyso dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Xaaji Xuseen oo horey u soo noqday wasiirka arrimaha gudaha maamulkii Ximan iyo Xeeb ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog FM ku sheegay in khilaafka ka taagan magaalada Cadaado uu yahay mid sidaasi aan u sii weyneyn.

Waxaa uu sheegay inay muuqanayso faragalin ay madaxda dowladda dhexe ku heyso maamulkaasi isagoo sheegay in talada ama go’aanka Galmudug uu leeyahay Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf in ku xigeennadiisa laga horkeenana ay tahay qorshe arrin kale laga damacsan yahay.

Waxa uu sheegay in khilaafka madaxda Galmudug ka dhex aloosan lagu xallin karo wada hadal islamarkaana madaxda kaliya loo madaxbannaaneeyo shaqadooda.

“Farogelin ayaa ka imaaneysa dowladda Federaalka, Farmaajo Muqdisho ha xukumo, laakiinse in la isku daayo reer Galmudug ayaa wanaagsan oo iyaga waxooda ay dhameystaan” ayuu yiri Siyaasi Maxamed Xaaji.

Khilaaf siyaasadeed xooggan ayaa ka jira degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug.

Goobjoog News