U bood dhigaalka

Siyaasi ugu baaqay dowladda Soomaaliya in aysan fogeyn Puntland

Sheeko:Dalka

Siyaasi ka soo jeeda maamulka Puntland ayaa ku baaqay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay is raaciso maamulka gobolka Mudug haatan ka jira iyo dhinacyada kale ee gobollada dhexe.

Maxamed Xaaji Aadan oo la soo xiriiray Goobjoog FM ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan fogeynin maamulka Puntland xilli la qorsheynayo in maamul gaar ah loo sameeyo gobollada dhexe ee dalka.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay haboontahay in maamul loo sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud uu ku wanaagsanyahay in Puntland qeybteeda gobolka Mudug laga siiyo si ay ugu qancaan qaabka loo dhisayo maamulkaasi isaga oo tilmaamay in taasi ay tahay xalka gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa kol hore ku dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana tallaabo qaldan ku tilmaamay maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka sameyneyso Mudug iyo Galgaduud.

Puntland ayaa ku andacoonaya in qeyb ka mid ah gobolka Mudug ay iyagu maamulaan.