U bood dhigaalka

Siyaasiga Cabdikarim Axmed Cali: Waraqad Furan oo Ku Socota Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle

Sheeko:War

Yaanay cadho ku qaadin adigoo ka fal celinaya hadalkii Madaxwayne Maxamed Cabduulahi Farmaajo  uu ka sheegay Asmara ee ahaa in cunaqabataynta laga qaado Eriteria.

Md. Maxadwayne waxaad xusuusataa kaalintii mugga lahayd ee dawladihii iyo dadka Soomaaliyeed ay ka soo qaateen xoraynta dadka reer Jibuuti, waxaan ku xasuusinayaa in anigoo yar oo dhiga fasalka lixaad in saraakiil xoogga dalka soomaaliyeed ay dugsigii noogu yimaaddeen noona sheegeen in loo baahan yahay in nalaga qoro ciidan ka qayb qaata xoraynta ummadda reer jibuuti waxaan ka mid ahaa kuwii usoo baxay in loo qoro ciidankaas laakiin nasiib darro waxaa layga reebay da’dayda oo yarayd awgeed, kuwii iga waynaa sidaas ayay ciidankii ku galeen.

Md. Madaxwayne waxaad xasuusataa abaalkii lama illaawaanka ahaa ee adiga iyo dadka reer Jibuuti ay noo galeen si dawlad Soomaaliyeed loo yahleelo sabana aad u noqoteen in maanta aanu leenahay dawlad yar oo wali idiin baahan.

Waxaad xusuusataa Hiil walaal waxa ay natareen iyo dhiigga ay noo daadinayaan ilaa maanta. Md. Madaxwaynae ha illoobin walaal nimada, wada dhalashada iyo dhiigga aynu wadaagno.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Nin hooyo dhashay ha ma seegi waayo”. Ilaahay ayuunbaan khaldamin. Waxaan jeclahay in madaxwayne Maxamed Cabduulahi Farmaajo  uu qabo dareenka ay qabaan dadka Soomaaliyeed oo kale laakiin ay ka hoos baxday inuu haleelo kaalin dahabi ah oo ahayd inuu qaato dhexdhexaadinta labada dal ee Jibuuti iyo Eriteria si loo dhameeyo khilaafka soohdinta ee u dhexeeya labada dal.

Md.madaxwayme Ismaaciilaw waxaad ogaataa in nafteena shaydaan ku lammaanyahay oo waakii aabeheen Aadam iyo xaawa janada ka soo saaray. Haddaba Md. Madaxyane adigoo xasuusan wanaagga kor ku xusan ee ka dhexeeya labadeena dal iyo dadba cadhdaada qabooji oo odaynimadaada hallo aayo maanta.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaan leeyahay caano daatay dabodood laqabay ee is daba qabo oo walaalkaa madaxayne Ismaaciil iyo dadka reer Jibuuti ka dawee gefka ay kaa tabanaan. Scww.

W/Q: Cabdikarim Axmed Cali

Siyaasiga Cabdikarim Axmed Cali waxaa uu ahaa Xogheyihii Guud ee USC/SNA, Xildhibaan dowladda Soomaaliya(2004-2012), isla muddadaas waxa uu qabtey wasiirrada Kalluumeysiga, Ganacsiga, Dhakhli uruurinta, Lacagta, W/x/Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaasdhiga caalamiga ah iyo xilal kale.

Goobjoog News