U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Iyo Waxgarad Ka Walaacsan Dib u Dhac Ku Yimaada Doorashada Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxgarad iyo siyaasiyiin ku sugan degmada Cadaado ee gobolka Galagduud ayaa ka cabsi qaba in dib u dhac uu ku yimaado doorashada madaxweynaha Galmudug oo 10-ka bishan la doonayo in la qabto.

Waxay sheegayaan in hadda ay qabaan walwal ku aadan dib u dhaca doorahada maadaama aaney jirin dedaal lagu dardargelinayo howlaha doorashada.

Cabdi Takiye Faarax, waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta Galmudug, waxa uu Goobjoog News u sheegay in markii uu dib u eegay hannaanka ay hadda wax u socdaan ay dib u dhac ku imaan karto doorashada maadaama guddiga doorashada ay ka cabanayaan wada shaqeyn la’aan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aniga waxaan is leeyahay in doorashada ay dib uga dhacdo waqtigii loo ballamay, guddigii doorashada ayaa cabanaya oo leh wada shaqeyn maleh, marka wey iska caddahay in maalintii lagu ballamay dib looga dhacayo, madaxda joogta ayaa lugta u jiideysa” ayuu yiri Cabdi Takiye.

Waxgaradka Galmudug ayaa iyaguna qaba in hadii aan degdeg loogu dhaqaaqin dhanka doorashada in taasi ay keeni kato dib u dhac degdeg ah iyo fashil ku yimaada mudada loo ballamay in madaxweynaha Galmudug la doorto.

Dhanka kale degmada Cadaado illaa iyo haatan ma aaney gaarin cid u sharaxan xilka madaxweyne ee Galmudug, waxaana la filayey maadaama ay harsan tahay oo  kaliya 9 cisho in aad looga dareemo ololaha doorashada magaaladaasi.

Baarlamaanka Galmudug oo ku kulmay Cadaado 25-kii March 2017, waxay go’aamiyeen in doorashada madaxweynaha ee Galmudug ay dhacdo April 10, 2017.

Goobjoog News