U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Ka Hadlay Xarigga Weriye Ka Tirsan Goobjoog

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa canbaareeyay xariggii loo geystay wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan Goobjoog Media Group ,Ayaga oo ka dalbaday dowladda  federaalka ah in si dhaqso ah xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo  ka mid ah golaha shacabka ee baarlmaanka federalka ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay uuna canbaareynayo xarriga loo geystay wariye Cali.

Xildhibaan Fiqi oo yiri ““Wariye Ali Adan Muumin in aragtidiisa oo uu soo bandhigay qarniga 21-aad uu ku mutaysto xabsi iyo xorriyad ka qaad waa xadgudub dastuurka dalka, xaqqa asaasiga ah ee qof ahaaneed iyo xoriyadda saxaafadda loo geystay.

Isaga oo sii hadlaya “Taliska Farmaajo in umadda lugaha, cunaha iyo afka uu qabto wuxuu u arkaa “qab soo noqday” iyo dawladnimo, waana dhaqan faashiistenimo oo addduunka ka ciribtirmey. waxaan codkayga ku biirinayaa inta xorriyada garabka u ah, in xorriyadiisa dib loogu soo celiyo wariyahaas garadarada lagu xiray”

Sidoo kale waxaa ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah uga hadlay xarigga wariyaha Xildhibaan  Mahad Maxamed Salaad oo ka mid golaha shacabka, ayaa sheegay in cali waxa lagu heysto ay tahay sharci darro ,waxa uuna xusan in Cali Aadan uu ka mid ahaa dhowr wariye oo diiday in ay ku shaqeeyaan amarka Villa Soomaaliya

“Waxaan canbaaraynayaa xariga sharci darida ah ee Wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog. Waxaanan ugu baaqaynaa hay’adaha amniga in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyadiisa ugu soo celiyaan Wariye Cali Aadan Muumin.

Xildhibaan Salaad ayaa intaasi raaciyey “Xariga Wariye Cali Aadan Muumin wuxuu daliil cad u yahay siyaasada kaligiis taliyenimada ah ee uu higsanayo  Maamulka Madaxweyne Farmaajo ee lagu caburinayo warbaahinta madaxa banaan iyo wariyeyaasha fara ku tiriska ah ee diiday in ay damiirkooda ku iibsadaan laaluushka Villa Soomaaliya”

 Dhanka kale xarigga Cali Aadan Muumin waxaa canbaareeyay Xildhibaan Abdi raxmaan Odawaa, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in wali ay jirto Xarigga iyo caga juglayta lagu hayo saaxafadda.

Xildhibaan Odawaa “Waxaan cambaareynaa xariga loo gaystay wariye Cali Aadan Muumin oo ah wariye dhalinyar kana tirsan Radio Goobjoog.

Xariga iyo caga juglaynta saxaafadda waa calaamado aan u fiicney dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaan ugu baaqayaa haya’adaha amniga ee Xukuumadda in Cali si dagdag ah loo siiyo Xorriyaddiis”

 Ugu danbeyn waxaa codkiisa siyaasiyiinta ku biiriyay siyaasi  Cabdi raxmaan Cadi shakuur warsame  ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado xarigga wariyaha uuna si weyn uu canbaaraynayo.

“Cabdiraxmaan Cabdi shakuur “Waxaan canbaaraynayaa xariga sharci darrada ah ee wariye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog. Maamulka Madaxweyne Farmaajo wuxuu caadaystay xarig, caburis, cagajugleys qaybin iyo laalush lagula kaco warbaahinta iyo wariyayaasha.

Xorriyadda Warbaahinta waa xaq dastuuri ah, waa tiir udub dhexaad u ah nidaamka dimuqraadiga ah, waana awoodda afaraad ee dheelitirka xukunka. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyadiisa loogu soo celiyo Wariye Cali Aadan Muumin”

Goobjoog News