U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Su’aallo Ka Keenay Bannaabaxyada Laga Mamnuucay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalintii shalay ahayd si rasmi ah ugu dhowaaqay in magaalada Muqdisho laga mamnuucay in lagu dhigo dibadbaxyo aaney ka warhayn maamulkooda.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Xalane oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in si loo xaqiijiyo dibadbaxyada dhacaya iyo waxa ay ku saleysan yihiin in muhiim ay tahay in warqad fasax ah laga soo qaato gobolka Banaadir.

“Qodobka ugu muhiimsan ee aad looga hadlaya waxay tahay arrinta banaanbaxyada ku saabsan, oo qolo walbo rabto iney bulshada soo bixiso ay sameeyaan bannaaabax fasax u haysan, bannaanbax aanu ogeyn gobolka Banaadir kama dhici karo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenka.

Hadaba arrintan waxaa su’aallo ka keenay siyaasiyiinta Soomaaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in go’aaankaasi yahay mid aan sharci ku dhisneyn, islamarkaana siyaasad ka dambeyso.

“Go’aan sharci ku dhisan ma ahan, waa wax siyaasadi ka dambeyso, waqti lolan doorasho ah baa lagu jiraa, shirarna waa la qabsanayaa, haddii uu qalad yimaadana bannaanbax waa la sameynayaa, wax dastuurka ka baxsanna qof yeelayaa ma jirto” ayuu yiri Tarsan.

Horay wasaaradda amniga gudaha ayaa u mamnuucday in Hoteellada Muqdisho lagu qabto shirar aanay wasaaradda ka war hayn.

Goobjoog News