U bood dhigaalka

Siyaasiyiin Su’aallo Ka Keenay Lacagta Laga Qaadayo Musharraxiinta Aqallada Hoose Iyo Sare Ee Dalka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa durba soo baxaya su’aalo badan oo ay qabaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo musharraxiinta xilligaan doonaya inay u tartamaan aqallada hoose iyo kan sare ee dalka.

Sakariye Maxamed Xaaji waa siyaasi, waxaana uu soo noqday musharax madaxweyne 2012-ka, waxa uu u sheegay Goobjoog News in dhibaatada ugu weyn tahay in aqoonyahannada doonaya dalkaan inay badbaadiyaan lagu xiray lacag,  waxa uu is weydiiyey dowlad lagu dhisayo wax uu ugu yeeray laaluush iyo qarannimo halka ay isaga imaan karaan.

“Arrinta lacagta waa dhibaatada ugu weyn ee Musuqa ka billaabanaya, waxa weeye Qur’aankii Alif ka xumaada Al-baqra kuma hagaago, waxa weeye dowlad lagu dhisayo laaluush iyo lacag qarannimo uma taallo, haddii la dhihi lahaa qofka Kun doolar ha iska bixiyo lacagtaasna la caddeeyo meesha ay aadeyso, la dhahayo qasnadda dhexe baa lagu shubayaa waa macquul laakiinse lacagta hadda la doonayo ee Malaayiinta ah waa in la ogaadaa meesha ay ku baxeyso iyo meesha ay aadeyso, 2012-ka ayaa nalaga qaaday 10 kun musharrixii meesha ay aaddayna lama oga, qof aan 5 kun haysan Soomaaaliya waxaba kama noqqon karo, aqoon kasto ha lahaado, wadaniyad kasto ha lahaado, marka waxay wadarta isku noqoneysaa in 10 kun oo doolar qof aan haysan aanu xildhibaan noqon karin”

Maxamed Keynaan oo ah Afhayeenka, afhayeenka guddiga heerka Federaal ee hirgelinta doorashooyinka dalka oo isna arrintan wax ka weydiinnay wuxuu sheegay in la heli karo aqoonyahanno dalka badbaadiya lacagtaasina heli kara, wuxuuna tilmaamay in aragtida Sakariye tahay mid wanaagsan, balse loo baahan yahay in aan la daadin waxa yar ee la haysto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Sax ma ahan in la dhaho haddii lacagta la isku xiro in la dhaho dadka ma yeelan karaan awood ay xildhibaannimo kusoo raadsadaan, dad ka badan 12 Malyan Soomaaliyeed ayaa laga soo xulayaa 14-kun oo qof, walwalka uu sakariye muujinayo inkastoo aan qaar la qabo hadane yaan lagu tarax tagin, waa laga yaabaa inay jiraan dad badan oo Soomaaaliyeed oo lacagtaasi awooda, waxaa habboon in la is weydiiyo sida lagu tagi lahaa meel kasii wanaagsan halka waddanka hadda uu marayo”

Musharaxiinta doonaya inay u tartamaan xildhibaannimo ayaa la sheegay in laga rabo lacag dhan 5 kun oo doolar, halka kuwa aqalka sare iyaguna laga doonayo 10 kun oo doolar.

Goobjoog News