U bood dhigaalka

Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi Oo Soo Saarey Mowqif Ku Saabsan Saami Qeybisga Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen siyasiyiin kasoo jeeda gobollada Waqooyi ee dalka ayaa waxay kasoo saareen mowqif cusub oo ku saabsan saamiga qeybsiga aqalka sare ee Baarlamaanka.

Waxaa kulankaan goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Camey, wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka Cadaaladda C/laahi Axmed Jaamac, Wasiirk Dekadaha Nuur Faarax, wasiirka Duulista Hawada Cali Axmed Jengeli iyo xildhibanno.

Qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in saami qeybsiga aqalka sare aaney ku qanci doonin wax ka yar (1/3 ama 30%) tiro walba oo xubnaha qalka sare noqdaan.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa loogu baaqay baarlamaanka 10-aad ee Soomaliya iyo sidoo kale madaxweynaha xukuumadda soo socota ee 2016-2020 in xoogga ay saaraan sii socoshada wada hadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland si dhaqso loogu soo celiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka

upper-house

upper-house-2

Goobjoog News