U bood dhigaalka

Siyaasiyiinta Hawiye Ee Ku Jira DF Oo Ka Shiray Saami Qeybsiga Ay Ka Heleen Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Kullan xalay ay Muqdisho ku yeesheen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah kana soo jeeda besha Hawiye ayaa waxa ay uga shireen saami qeybsiga laga siiyay xildhibaanada cusub ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo la sheegay in ay yihiin ilaa iyo 9 mudane.

Xubnaha kullankan ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow, wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta eng Cabdi Canshuur Xasan iyo xildhibaano ka tirsan labada gole, waxa ayna isla soo halal qaadeen in beesha saami qeybsigii ay ku lahayd Koonfur galbeed hoos loo dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay in beesha Hawiye 9 xubnood laga siiyay xildhibaanada cusub ee Koonfur galbeed, isaga oo xusay in boqolkiiba konton {50%} hoos looga dhigay kuwii beeshu ay ku lahayd xildhibaanadii hore.

Wararka qaar ee laga helay shirkii xalay ayaa waxa ay sheegayaan in guddi ka kooban 13-xubnood la magacaabay kuwaasi oo madaxweyne Laftagareen kala hadli doono sidii beesha awood qeybsigeeda booskeedii loogu soo celin lahaa.

19-kii bishan guddiga madaxa bannaan ee soo xulista baarlamaanka 2-aad ee Koonfur galbeed ayaa waxa ay ku dhawaaqeen 95-mudane oo noqon doona xildhibaanada cusub ee maamulkaasi, waxaana magacaabistaasi cabasho ka muujisay beesha Hawiye.

Goobjoog News