U bood dhigaalka

SJS “Khadiijo Diiriye Xaq Uma Laha In Ay Garoomada Ciyaaraha Ka Celiso Warbaahinta”

Sheeko:Cayaaraha

Iyadoo Wasaarada ciyaaraha Dowlada Soomaaliya ay xayiraad saartay in aysan garoomada isboortiga  kasoo warami karin wariyaasha ciyaaraha Goobjoog ayaa waxaa isa soo saataraya baaq loo jeedinayo madaxda Dowladda,kaas oo ah in caburinta sharci darada laga qaado warfidiyeenada Goobjoog.

Dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha ayaa Madaxda dowladda ku dhaliilay caburinta joogatada ay wasaarada ciyaaraha ku haayso wariyaasha isboortiga Goobjoog,iyagoo sheegay in warbaahinta Goobjoog ay tahay isha kaliya ee bahda isboortiga gudaha iyo dibadda ay kala socdaan warbixinada,horomarada iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqa ciyaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale ururada u dooda saxafiyeenta ayaa iyagana dhankooda Goobjoog u sheegay in ay ka walaac sanyihiin xad gudubka lagu haayo wariyaasha ciyaaraha Goobjoog Media Group .

Qaar ka mid ah shacabka Muqdisho oo la hadlay Goobjoog ayaa iyaga qudhooda ka xumaaday talaabadan,iyagoo ku baaqay in xayiraad iyo caburinta laga daayo saxifiyeenta Goobjoog Media Group.

Si kastaba  Marka laga tago cabburinta iyo caga jugleynta joogtada ah ee Goobjoog kala  kulanto, Wasaarada Ciyaaraha Dowladda Fedraalka waxa ay wasiir Khadiijo baqdin gelin iyo tifaftir ku haysaa warbaahinta kale ee cayaaraha,iyadoo arinka ay tahay mid xad gudub ku ah xuriyada hadalka.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Cabinta Goobjoog Ay Kala Kulanto Wasaarada Ciyaaraha 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1128357514195501/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle