U bood dhigaalka

SJS oo Cambaareysay Go’aanka Garoomada Ciyaaraha Looga Mamnuucay Goobjoog

Sheeko:Amniga

MUQDISHO, Soomaaliya, 12 Abriil 2020- Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa cambaareeyay go’aanka ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada uga mamnuucday Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha, ayna dhaqangeliyeen Xiriirka Kubbadda Cagta ee Soomaaliyeed 9 Abriil 2020. Ammarka ayaa ka mamnuucaya warbaahinta Goobjoog iyo shaqaalaheeda tegista garoomada lagu ciyaaro.

Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Cayaaraha iyo Dhalinyarada, oo nuqul ka mid ahna ay heshay SJS ayaan lagu caddeynin sababta mamnuucista lagu soo rogay Warbaahinta Goobjoog.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab, 9-kii bishan ayaa ku sheegay in Xiriirku uu u hoggaasanamayo ammarka Wasaaradda oo ay soo saartay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye.

Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog, Xasan Maxamed Maxamuud ayaa SJS u sheegay in Xiriirka Kubbadda Cagta uu ku wargeliyay in warbaahinta Goobjoog iyo warfidiyeenadeedaba aan loo oggolaan doonin in ay soo galaan garoomada kubbadda, uuna ku tilmaamay ammarkaas mid lagu wiiqayo siyaasadooda tifaftireed. Go’aankan ayaa Warbaahinta Goobjoog geliyay welwel iyo cabsi ay u baqayaan amniga warfidiyeenadooda.

“Amarka Wasiirka wuxuu soo sidoo kale faray saraakiisha hay’adaha kale ee Dowladda iyo laamaha amniga inay dhaqan-geliyaan, taasina waxay keentay in aan awoodi weyno in aan shaqaaleheena u dirno goobahaasi sababo amnigooda la xiriira darteed. Waxaan kaloo ka cabsi qabnaa in amarkan uu saameeyo qeybaha kale ee hay’adaha dowladda,” Xasan Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Warbaahinta Goobjoog ayaa sidaa u sheegay SJS.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS waxa uu cambaareynaya go’aanka Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada oo ah fal lagu doonayo in lagu wiiqo xorriyadda saxaafadda, laguna cabsi gelinaayo warbaahinta madaxa-bannaan, iyadoo lagu horjoogsanayo xaqa helista xogta oo ah mid dastuuri ah.

“Aad ayaan uga wel-welsanahay ammarka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada ee lagu bartilmaameedsanayo Warbaahinta Goobjoog, kaasoo xadgudub weyn ku ah shaqada warbaahinta madaxa-bannaan, khatarna gelinaya amniga warfidiyeenada,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa yiri isagoo ugu baaqay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada in ay la noqoto mamnuucistan, una oggolaato Warbaahinta Goobjoog tebinta ciyaaraha si is-hor-taag la’aan ah.

 

29-kii Maarso ayay ahayd markii afar warfidiyeen oo u shaqeynayey warbaahinta goobjoog iyo darwalkooda oo ku jiray howl saxaafadeed ay si kooban u xireen ciidamo ka tiran sirdoonka Qaranka iyagoo muddo kooban ka dib sii daayey iyagoo aan wax dambi ah ku soo oogin.

Goobjoog News