U bood dhigaalka

SOLJA Oo Booliiska Somaliland Kala Hadlay Xarigga Wariye Seerbiya

Sheeko:Dalka

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa sheegay in booliiska Somaliland ay kala hadleen xarigga wariye Cumar Seerbiya oo maalintii shalay ahayd lagu xiray magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in saraakiisha booliiska ay u sheegeen ka urur ahaan in ay ka warsugaan inta baaristu dhammaaneyso, 48-saacna ay jawaab sugayaan.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye Jaamac in haddii Cumar loo xirey arrimo la xiriira saxaafadda ay diyaar u yihiin iney dhan walbo kala hadlaan hay’adaha ammaanka, islamarkaana caddeeyaan inuu Seerbiya yahay wariye madaxbannaan oo ka howlgalayey warbaahin madaxbannaaan.

Cumar oo ka tirsan Goobjoog Media Group ayaa bilihii ugu dambeeyay ka howlgalayey xarunta dhexe ee Goobjoog oo ku taalla magaalada Muqdisho, balse markii uu shalay dib ugu laabtay Hargeysa waxaa xabsiga dhigay ciidamada Somaliland.

Maamulka sare ee Goobjoog Medi Group, waxay ka dalbanayaan Somaliland in si shuruud la’aan ah ay xorriyaddiisa dib ugu soo celiyaan wariye Cumar Seerbiya.

Goobjoog News