U bood dhigaalka

Somaaliland Ayaa Is ka Fogeysay Eedeeymo Seychelles u Soo Jeedisay

Sheeko:Dalka

Soomaaliland ayaa is ka fogeysay eedeen ay u soo jeedisay dowladda seychelles oo la xiriirtay maxaabiis burcad badeed aha oo dhawaan ay sii deysay Soomaaliland.

Xildhibaan Axmed maxmed  Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiilada oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Soomaaliland aysan wax dacawad ah ka gudbin karin  Seychelles isaga oo xusay  in Seychelles Soomaliland ayasan aqoonsaneen balse looga baahan yahay dacawadaasi in ay ka gudbiyaan Soomaaliya oo uu sheegay in Seychelles ay u aqoonsan tahay in soomaliya ay ka tirsan yihiin, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa” Namaba ictiraafsanee maxaan UN is la gaarnaa hana ictiraafeen waxna noogama xirna  noomana ictiraafsana dowlad ahaan, Soomaaliya ay ictiraafsan yihiin ayaga UN ha uga ashtakoodaan,annagu waxaan sii deynay inamo yar yar oo Soomaaliya oo muslim ah mustaqbalkoodan uu ku baaba,ayay meesha, waliba Soomaaliland ma aheyn ee xagaa Koonfur ayeey ahaayeen”

Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay  in Soomaaliland ay qabatay awalkii hopre ay maxaabiista, ayna jirin cid u dhiibtay waxaa uuna carabka ku adkeeyay in ay qabteen xili ay maraayeen xeeba Soomaaliland, waa sida uu yiri” annaga ayaa qabanay xili ay maraayeen xeebaheena, waxna kuma darsadaan inamadaa yar yar oo mustaqbalka leh annaguna waan u naxnay waana fasaxnay, ayagu wax ay ka naxaayaan majiraan, nimanku waa niman Soomaaliyeed oo jaar nahay waan ka naxeynaa waxaan uga baqeynaana ma jirto dacwadaas”

Dhanka kale xildhibaan Nacnac ayaa tilmaamay in ay tahay wax qalad ah in dowladda seychelles ay dacwad ku soo oogto ayadoo aan u ictiraafsaneyn Soomaaliland in ay tahay dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale waxaana uu yiri” mabana ictiraafsana waxaa ay noo aqoonsan yihiin inaan nahay qeyb ka mid ah Soomaaliya marka waxaan leenahay annagu manihine waxaan nahay dowlad Qaran leh oo Calan leh oo lacag leh”

Hadalka xildhibaanka ayaa waxaa uu imaanayaa aydoo dhawaan Soomaliland ay xabsiga ka sii deysay maxaabiis ku eedeysnaa burcad badeednino, oo laga soo wareejiyay sychelles si ay inta xabsigooda uga dhiman ay ugu qaataan Soomaaliland

Goobjoog News