U bood dhigaalka

Somali Plate, Waa Qaaradda Ay Ku Bahoobi-doonaan Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya Oo Afrika Ka Go’aya

Sheeko:Dalka, War

Dalalka Soomaaliya, Kenya, Ethiopia iyo Tanzania ayaa la filayaa in ay ka go’aan qaaradda Afrika inteeda kale si ay u noqdaan qaarad cusub oo la magac bixi-doonta “Somali Plate “, laakin waa  50 milyan sano kadib, sidaasi waxaa sheegay dad ku taqasusay cilmiga geology-ga.

Arrintan ayaa lagu ogaaday kadib dhaq-dhaqaaq dhulka ah oo ka dhacay Narok County, ee koonfurta Kenya.

Halkaas oo jidkii intuu dilaac galay labo noqday, dherarka dilaaca waxaa lagu qiyaasay 50 Mitir halka balacana uu noqday 20 Mitir.

Khubaro ku taqasusay Geologyga  oo goobta booqday waxa ay sheegayaan in waadigan oo qeyb ka yahay waadiyaal badan oo dilaac galay dhanka Great Rift Valley, kuwaas oo tixan geeska Afrika illaa Mozambique.

Sida uu sheegayo, Geologist David Adeded dhaq-dhaaqan ayaa in muddo ahba ka jiray halkaasi, waxaana sidoo kale burkaano densan, dhaq-dhaqaaqa waxaa uu ka sameeyay Suswa, oo dhowr KM u jirta buurta.

Goobjoog News