U bood dhigaalka

Somalia: Askareynta Carruurta Oo Laga Hortagayo

Sheeko:Dalka

Howlgalka midowga afrika ee Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah ayaa ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan ka hortagga ciidameynta carruurta.

Madaxa AMISOM Ambassador Farancisco Madeira ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ka dagaallama Soomaaliya inay askareeyaan carruur iyagoo u adeegsada dagaallada iyo iska hor imaadyada had iyo jeer dhaca.

Sidaa darteed madaxa AMISOM wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga hortago lana ilaaliyo carruurta.

“Askareynta sii socota ee carruurta loo isticmaalo ayaa waxay caddeyn u noqotay inay ka qeyb qaadaneyso khilaafka ka jira dalka Soomaaliya, carruurta waxay ku dagaallamaan colaad ay kiciyeen dad waa weyn” ayuu yiri Madeira

Madeira oo ka hadlayay furitaanka tababar seddex maalin ah oo looga hortagayo askareynta carruurta ayaa sheegay in carruurtu yihiin mustaqbalka dalka iyo hoggaamiyeyaasha berrito.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka ayaa waxaa soo ifbaxayay carruur loo adeegsanayo dagaallada dalka ka dhacaya ee marxaladaha kala gedisnaa soo maray.

Goobjoog News