U bood dhigaalka

Somalia: Mareykanka oo Dhaleeceeyey Heerka Dimoqoraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waaxdeeda dimoqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka oo qoraal kasoo saartay xaaladda Soomaaliya ee 2020-kii ayaa sheegtay in dowladda federaalka ah ay ku kacday falal ka baxsan banii’aadamnimada sida xarig sharci darro ah, diidmada isu soo bax, dad gacanteeda lagu waayey, baaris la’aan iyo arrimo kale oo wax u dhimmaya dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadana, Soomaaliya u sii dhoweynaya dowladaha kaligii taliska.

Xukunka dilka ah, warbixinta waxaa ku jira in  UNSOM ay qortay in inta u dhaxeysa  November 5, 2019, iyo August 13, la fuliyey ilaa 32 xukun oo dil ah oo maxkamad ay amartay.

Isla  UNSOM waxaa ay qortay in Al-shabaab ay masúuliyad ka aheyd 60% dilka rayidka ee inta u dhaxeysay November 5, 2019, ilaa August 13.

Waxaa la warbixinta ku jirta in ay jiraan dad la waayey, waxaa ka mid ah Maxamed Cabdiwahaab Abuuja oo la heystay February ilaa August. Abuja waxaa lagu eedeeyey inuu dil geystay iyo inuu xubin ka yahay Al-shabaab.

Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa ku jirta in dastuurka KMG ah uu kahor imaanayo in qof la xiro warqad qabo la’aan ama aan xabsiga lagu heyn karin ama biil qofka lagu deyn karo, iyada oo intaas dadku og yihiin hadana dowladda federaalka ah ma ixtiraamto, oo waa iska indho tirtaa.

Waxaa kale oo lagu sheegay in dadka xoog la isaga xirto haba u darnaadeen dadka lala xiriirinayo Al-shabaab iyo kooxaha lasoo qabto.

Waxaa lasoo qaatay xasbiyada siyaasiga ah sida Mukhtaar Roobow oo iska xiran maxkamad laáan tan iyo 2018-kii.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa ay sheegeysaa in ay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda labada heer oo magaca dowladda dhul ku xooga ama dad ku bara kiciya.

Mareykanku waxaa ay sheegeen in dowladda ay ku guuldareysatay barista dilal loo geystay weriyeyaal sida Cabdiweli Cali Xassan, Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Naaleeye

Warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda, waxaa lagu dhaleeceeyey sida ay dowladda federaalka ah ugu guuldareysatay ilaalinta xorriyadda hadalka.

Mar ay Mareykanku ka hadleen xariga weriye Cabdicasis Guribiye oo ah agaasime ku xigeenka iyo tifaftiraha guud ee Goobjoog ay u geysteen booliiska 14-kii April ee sanadkii hore, warbixinta waxaa lagu sheegay iney arrinkaas qeyb ka aheyn meelaha ay dowladda u adeegsaday xeerar baaliyoobay, oo aan la socon karin waqtiga.

Isla kiiska Gurbiye waxaa ay Mareykanku sheegeen in la xiray weriyaha kadib markii uu daaha ka qaaday in madaxweyne Farmaajo uu amray in ventilator yaallay Isbitaalka Martiini la geeyo xarunta madaxtooyada, waxaa intaas lagu daray in sidaa ay dowladdu u sameysay in la qariyo hanti caafimaad oo dadweyne iyo qalad laga yaabo inuu dhaco.

Warbixinta wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in Cabdicasis Gurbiye loo xiray qoraal uu soo dhigay Facebook xilli uu hey’adaha dowladda kula xisaabtamay Covid 19, waxaa lagu soo gabagabeeyey in kasta oo Gurbiye ay maxkamadda gobolka Banaadir xukun 6 bil ah ku ridday July 29, hadana waa uu iibsaday, laakin arrinkan waxaa ay saxaafadda Soomaaliyeed u aragtay farriin loo diray oo ah cabsigelin iyo inaan waxba laga qori karin arrimaha dowladda federaalka ah.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in musharaxiinta ay dowladda ka codsadeen isu soo bax, laakin ay dowladda federaalka ah iska diiday.

Ugu dambeyntii, waxaa laga hadlay in guddiga maaliyadda oo helay in hey’ado ka tirsan ay dowladda ay galeen qandaraasyo badan oo aan xisaabtooda laheyn.

Goobjoog News