U bood dhigaalka

Somalia Oo Ku Biiray Al-shabaab-ka Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Dad badan ayey la yaab ku noqotay markii naadiga faransiiska ah ee Toulouse uu ku dhawaaqay in laacib lagu magacaabo Somalia, oo u dhashay dalka Brazil, kana cayaara khadka dhexe uu ku biiray kooxda kubadda cagta Sacuudiga ah ee Al-shabaab.

Laacibkan 29 jir ah, magaciisa runta ah waa ‘Wergiton do Rosario Calmon’, Laakin naaneystiisa waa Soomaaliya, 3 sano ayuu u caraayarayey naadiga Toulouse, hadana heshiis 2 sano ah ayuu la galay naadiga Al-shabaab.

Dadka Twettetka isticmaala ayaa si jee-jees ah isku garab dhigay ninka Somalia la dhaho oo Al-shabaab ku biiray iyo Soomaaliya dalka ee ay Al-shabaab ka dagaalanto.