U bood dhigaalka

Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweeyey Horumarada amni ee ay AMISOM iyo SNA

Sheeko:Dalka

Wakiilka dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervoned’Urso, iyo safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan ayaa ugu hambalyeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo howl-galka midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) horumarada amni ee ugu dambeeyey ee ay sameeyeen intii lagu guda jiray weerarka ugu dambeeyey ee ay sida wadajirka ah u billaabeen ciidamada AMISOM iyo xoogagga amniga Soomaaliyeed ee loogu magac-daray “Howl-galka Badweynta Indiya”.

Xoreynta magaalooyinka muhiimka ah ee Jalalaqsi, Buulo Mareer iyo Kurtunwaaray waxa ay muujineysaa dharbaaxo weyn oo loo geystay Kooxda argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-qaacidda ee Al-shabaab, waxayna u diideysaa al-Shabaab in ay qortaan dhalinyaro iyo in ay haystaan goobo ay ka soo abaabulaan weeraro ay mustaqbalka geystaan.

 

Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo dowladda Mareykanka waxaa si buuxda uga go’an taageeridda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Africa dedaalkooda wadajirka ah ee ay ku doonayaan in dib loogu soo celiyo daganaanshaha, barwaaqada, iyo maamul tayo leh oo loo sameeyo goobaha dhowaan la xoreeyey.

“Waxaan sugeynaa guulaha dheeraadka ah ee laga sameeyo Howl-galka Badweynta Indiya, iyadoo ciidamada wada jira ee Soomaaliya iyo AMISOM ay si daal la’aan ah uga shaqeynayaan xoreynta magaalooyinka muhiimka ah iyo gobolada ay horey u maamulayeen Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nolol wanaagsan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed dhammaantood.

Howl-galladaan, iyo naf-hurnimada ay ciidamadaan u sameynayaan dadka Soomaaliyeed, waxa ay gacan weyn ka geysan doonaan in gebi ahaanba laga adkaado Al-shabaab.