U bood dhigaalka

Somaliland: Caawimaadda Qaxootiga kasoo Noqday Dalka Yemen oo ay iska Kaashanayaan Saddex Hay’adood oo Caalami ah

Sheeko:Dalka

Magaalada Berbera  ayaa waxaa laga furay xarun lagu kaalmaynayo dadka Soomaalida iyo Anaajinbta kale iskugu jira ee ka soo barakacay  dagalada dalka Yeman ka socda  kuwaasi  oo  ku dhawaad laba sanno magaalada Berbera  soo gaarayay.

Xaruntan  oo lagu magacaabo  Xarunta  caawinaada muhaajiriinta ka soo noqtay Yeman ayaa waxa iska kaashanaya saddex hay’adood oo kala ah  UNHCR ‘ IOM  iyo hay’ad lagu magacaabo  Markaz  Bin-Sulaymaan  oo dalka Sacuudiga laga leeyahay .

Dadkan ayaa xuruntu u fidineysaa caawimaad iskugu jirta lacageed, adeegyo caafimaad  iyo in dadkaasi la gaarsiiyo deegaanadii ay u socdeen kuwa raba inay gudaha Somaliland degaanna la siiyo meel  ay  ku noolaadaan intii muddo ah.

Madaxa hay’adda Markaz Bin Suleymaan Haashimi Abdo oo u hadlay hay’adahan iskaashanaya ayaa sheegay inay bilaabeen gacan siinta dadkan dhibaataysan , waxaanu ku tilmaamay shaqo ay horeba waajib u ahayd in la qabto,  “ Qofka qaxoontiga ahi isaga ugu baahi badan aadmi , waad arkaysaan dadkani waxay ku soo beegmaan Berbera oo aad ogtahay Kuleylkeeda , iyaga oo ka soo orday  dagaallo, haddii wax la’aanina u raacdo  nolol dadkaasi waa u dhammaatay “ ayuu yiri Haashimi.

Hay’addahan oo hadda gargaarkoodii ugu horreeyay u qaybiyey 20 qoys oo Soomaali iyo Yemeniyiin iskugu jira  oo qaarkood labadii maalmood ee la soo dhaafay  soo gaaray Berbera ayaa waxay u badan yihiin  haween iyo caruur. Guddoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil  Maxamed Cismaan Xaaji ayaa sheegay inay Somaliland iyaduna doorkeeda ka qaadan doonto samafalka ee dadkaasi la siinayo waxaanu hay’addahan ku amaanay shaqadan u qabanayana dadka  dagaaladu ka soo barakiciyeen guryahoodii dalka Yemen.

Laga soo bilaabo intii ay dagaaladu ka bilowdeen dalka Yeman bilawgii sannadkii hore ee 2015 waxa dagaaladasi ka soo cararay  Soomaali badan oo qaarkood sannado badan ku noolaayeen Yemen waxayna dadkaasi badankoodu ka soo dageen magaalooyinka Berbera  Iyo Bosaaso.

hay'ado

Goobjoog News