U bood dhigaalka

Somaliland: 39 Dugsi Oo Ay Ku Jiraan 4 Sare Ayaa Ku Burburay Duufaanta

Sheeko:Dalka

Xafiiska xaaladaha degdegga ah ee wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa maanta ka hadashay dugsiyada ay waxyeellada ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay Somaliland.

Maamulaha xafiiska Xuseen Cabdi Cali oo arrintan kala hadlay BTV ayaa waxaa uu yiri“ilaa iminka intan heyno waxa weeyaan 39 dugsi, 39 dusgi ayaa ku burburay duufaanta, dugsiyada ugu badan waa gobolka Awdal oo ah ilaa 11 dugsi”.

Sida ay wasaaradda sheegtay dugsiyada ay waxyeellada soo gaartay waxaa ka mid ah kuwoo ku yaallo dugsiyada Saaxil iyo Sanaag

Ardeyda ayaa lagu wadaa in imtixaanka shahaadiga ay ku galaan meelaha ugu dhow goobta uu dugsigooda ka burburay, waxaana la sheegaa ilaa 4 dugsi sare in ay waxyeellaha soo gaartay.

Xeebaha waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan Puntland iyo Somaliland waxaa ku dhuftay duufaan iyo roobab xoogan kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maal leh, waxaa kale oo ka dhashay barakac.

Goobjoog News