U bood dhigaalka

Somaliland: 5 Wargeys oo Xayiran iyo Walaac Laga Muujiyay Xorriyada Saxaafadda

Sheeko:Dalka

Ururada u doodda xuquuqda Saxaafadda ee qaaradda Afrika ayaa waxay walaac ka muujiyeen xorriyada hadalka iyo warbaahinta ee Somaliland, iyagoo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu hoos u eego xorriyada warbaahinta.

Walaaca ururadan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xaruumo warbaahineed oo ku yaalla Somaliland ay xayirtay dawladdu kuwaasi oo ay kamid yihiin Wargeysyo iyo Telefishanno gaar loo leeyahay. 

Wargeysyada Shanta ah ee la Xayiray

1-    WAABERI

Wargeyska Waaberi oo ah kan ugu dambeeyay ee la xayiray ayaa waxaa amartay in la xayiro maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa kaddib markii xeer ilaalinta gobolku ay sheegtay in cidda hadda gacanta ku haysa Wargeysku aanay ahayn ciddii rasmiga ahayd ee uu u diiwaangashanaa, hase ahaatee Tifaftiraha Wargeyska Khadar Cabdi Xasan ayaa Goobjoog News u sheegay in wargeyskoodu ka diiwaangashan yahay wasaaradda warfaafinta Somaliland isla markaana ay haystaan waraaqihii diiwaangalinta Wargeyska balse iyaga si gaar ah loo bartilmaameedsanayo – sida uu yidhi.

Wargeyska Waaberi oo kasoo baxa magaalada Hargeysa ayaa xayiran maalintii saddexaad, waxaana xayiraadda Wargeyska cambaareeyay hay’adaha u dooda xorriyada saxaafadda iyo ururka warbaahinta Somaliland ee SOLJA.

2-    HAATUF

Wargeyska Haatuf ayaa isna kamid ah wargeyska ay Albaabada iskugu laabtay xukuumadda Somaliland kaasi oo xidhan muddo ka badan 5 sano, hay’adaha iyo ururada u doodda xuquuqda saxaafadda ayaa xayiraadda wargeyska ku tilmaamay mid kasoo horjeedda xorriyada saxaafada ee adduunka.

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa ayaa amartay xayiraadda Wargeyskan sanadkii 2014kii, welina wuu xidhan yahay, wallow ay jireen dedaallo kala duwan oo la sameeyay.

3-    HUBSAD

Wargeyska Hubsad waxaa la xayiray sanadkii 2015kii, wakhtigaasi oo wariyeyaashii soo saaray wargeyskan lagu eedeeyay in ay soo saareen isagoo bilaa ruqsad ah, hase ahaatee suxufiyiinta Wargeyska soo saaray ayaa ku dooddaya in wargeyskoodu uu yahay mid sharci ah.

Xarunta xuquuqul insaanka madaxa banaan ee Somaliland (HRC-Somaliland) ayaa cambaaraysay markii la xayiray wargeyska Hubsad, qoraal uu ku saxeexnaa guddoomiyaha xaruntaasi Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) ayaa lagu yidhi; “Ma jiro xeer waajib ka dhigaya in dib loo diiwaangeliyo wargeysyada hadii is bedel ku yimaado maamulka ama mulkiilaha. Sharcigu ma sheegayo in la xidho wargeysyada hadii tafatirayaashu ay ka tagaan.”

Wargeyska Hubsad weli wuu xidhan yahay, mana jirto xal laga gaadhay xayiraaddiisa.

4-    CODKA SHACABKA 

 Wargeyska Codka Shacabka waxaa la xidhay sannadkii 2016kii, xayiraadda Wargeyskan ayaad timid kaddib markii xeer ilaalintu ay sheegtay in sifaha loo maray diiwaangalintiisu aanay dhamaystirteen.

Xarunta HRC-Somaliland ayaa ugu baaqday xukuumadda Somaliland in xayiraadda laga qaado wargeyska Codka Shacabka.

5-    XOG-OGAAL

Sanadkii 2016kii ayaa wargeyska Xog-ogaal isna la xayiray, welina wuu xidhan yahay.

Ururada u doodda xorriyada warbaahinta ayaa xayiraadda wargeyskan cambaareeyay.

Dhinaca kale, ku dhawaad 20 weriye ayaa siyaabo kala duwan loogu xidhay Somaliland muddadii lixda bilood ahayd ee uu xilka hayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wallow markii dambe xabsiga laga sii daayay wariyeyaasha.

Ugu dambeyntii, xeerka saxaafadda Somaliland ee (Xeer No. 27/2004) ayaa mamnuucaya in saxaafadda lagula kaco cabudhin, waxaana uu damaanad qaadayaa xeerkan xorriyada warbaahinta madaxa-bannaan.

W.Q: Khaalid Foodhaadhi – Hargeysa

Goobjoog News