U bood dhigaalka

Somaliland: Abaar Ku Dhufatay Awdal

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad 12 tuulo oo ku yaala Galbeed Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal ayaa waxaa ku dhufatay abaar daran oo xoolihii ay kaga leedeen boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah.

Maamulka gobolka Awdal iyo Guddoomiyaha ka hortaga  masiibooyinka  iyo cunada qaranka ayaa ku baaqay xaalad gurmad loogu sameynayo dadkaasi.

Hey’adda Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan sheegtay in Soomaaliya soo wajihi karto abaaro sanadkan, iyada oo codsatay lacag ka badan hal bilyan si wax looga qabto.

Goobjoog News