U bood dhigaalka

Somaliland: Afhayeenkii Xarunta Xuquuqul Insaanka”HRC” oo La Xiray

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha xarunta xuquuqul Insaanka “HRC”, Guuleed Axmed Jaamac oo aan la yeelannay wareysi gaar ah ayaa noo xaqiijiyay in dacwad ka dhan ah laga furay maxkamadda gobolka Hargeysa, Afhayeenkii xarunta ee Axmed Xuseen Cabdi xabsiga loo taxaabay.

Sababta xarigga afhayeen Axmed ayuu ku sheegay iney ka dambeyso war-saxaafadeed uu ku saxiixnaa oo uu kaga hadlay dacwadda ka dhanka ah xafiiska ee maxkamadda Hargeysa laga furay.

Dhanka kale, waxa uu guddoomiye Axmed “Guuleed Dafac” uu sheegay sababta ka dambysa dacwadd ka dhan ah oo  maxkamadda Hargeysa looga soo oogay:

“Waxa la iiga yeedhay maxkamadda gobolka Hargeysa oo dacwad la iiga soo furay, waxaana la igu haystay warqado cabasho ah oo aanu dadweynaha u qeybinnay oo aanu ku dooneynay in booliska isbedel lagu sameeyo, si loo helo xafiis la geeyo cabashada bulshada ee dhanka booliska”.

Xaruntan xuquul insaanka ayaa shacabka u qeybisay warqado cabasho ah oo looga soo horjeedo xadgudubyada booliska, kadib markii cabashooyin farabadan ay kasoo gaareen xaruntooda xuquul insaanka, waxaa illaa hadda warqadahaa saxiixay dad gaaraya illaa 1000 qof oo doonaya in booliska hab dhaqankiisa isbedel lagu sameeyo anshixiisana la hagaajiyo, iyadoo ugu dambeyn qoraallada cabashada ah loo gudbinayo Madaxweyne Siilaanyo.

Sanadkii 2015 ayaa la xirey guddoomiyaha xarunta xuquuqul insaanka ee Guuleed Dafac oo xilligaa lagu xiray hadal uu saxaafadda siiyay oo uu ku dhaliilay cadaaladda Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada