U bood dhigaalka

Somaliland:  Booliiska Oo Soo Bandhigay Rag Dhaawacyo Gaarsiiyay Mas’uuliyiin Mucaarad Ah

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland Cabdulaahi Fadal IImaan  ayaa soo  bandhigay  magacyada laba  nin oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen dhaawacyo kala duwan oo magaalada Hargeysa loogu geystay  laba masuul oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Labada mas’uul  ee xisbiga Waddani ka tirsan ee dhaawacyada loo gaysay oo kala ah xog-heyaha xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo guddoomiyaha garabka dhallinyarada Maxamed Sidiiq Dhammeayaa wax  yeelada loo gaystay xoghayuhu uu sii daran yahay , iyada oo laba habeen oo kala dambeeyey midkasta gaarkiisa loo beegsaday .

Taliyaha ciidanka Booliska maamulka Somaliland  Cabdulaahi Fadal Iimaan oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay waxa uu marka hore sheegay in  ay boolis ahaan cambaaraynayaan faalkaasi oo uu ku tilmaamay  inuu heer ka sii halis badan uu u gudbi karo haddii aan wax laga qabin waxaanu soo bandhigay labada magac ee Khaliif Axmed Cali  Cabdikariim Cabdilaahi Rigaax inay yihiin ragga loo tuhunsan yahay inay falalkaasi ka dambeeyeen iyaga oo intaasna ku daray inay maxakamada la hor keeni doono.

Taliye Fadal ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay sii baarayaan cid kale oo falkan qayb ka ahayd

“ labada nin ee xisbiga Waddani ka tirsan waxa loo gaystay dhaawacyo halis ah oo dhimasho sababi gaaray , waa arrin Somaliland ku cusub oo fal ahaan halis ah,  waanu soo qabanay oo maxakamada ayaanu gaynaynaa labadii nin oo midkood ahaa nin hore taleefan uga soo hanjabay, sidoo kale waanu ku daba jirnaa nin kale iyo cidkasta oo qayb ka ahaan karta falkan “ ayuu yiri taliyaha booliska  Somaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan.

Falalka dhaawacyada loogu gaystay labada masuul ee ka tirsan xisbiga Waddani oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa xisbigu waxuu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen xisbiga talada haya ee Kulmiye kaasi oo xifaaltan siyaasadeed oo xoogani ka dhexeeyo inkasta oo iyaga laftoodu iska leexiyeen arrintaasi.

Somaliland kuma badna falalka lagu beegsanayo  siyaasiyiin oo wali taagan heerka waxyeelo jirka ah balse dadka siyaasada iyo hay’adaha amniga shaqada ku leh waxay sheegayaan  in ka dib markii labadan fal dheceen  ay horseedi karaan in falal kale ay dad ku dhiiran karaan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada