U bood dhigaalka

Somaliland: Cod-bixinta Oo La Soo Gabagabeeyay Iyo Baraha Bulshada Oo Hawada Laga Saaray

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada Somaliland oo goordhaw shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay cod-bixintii doorashada Somaliland, iyaga oo intaasi ku daray in si nabad ah ay ku dhacday.

Tirinta codadka oo hadda bilaabatay ayey guddiga sheegayaan in 17ka bishan laga yaabo in ay soo gabagabeeyaan, si markaasi kadib loogu dhawaaqo cidda noqoneysa madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, waxaa hawada laga saaray baraha bulshada, taas oo dad badan ay ku xirnaayeen, sidaasi waxaa horay u ballan-qaaday guddiga doorashada.

Wararkan oo Faah-faahsan, Kala soco Goobjoog News