U bood dhigaalka

Somaliland: Dadweynaha Degmada Lughaya oo Ka Mudaharaaday Amar ay Soo Saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Sheeko:Dalka

Dadweynaha degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa ka mudahraaday amar ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland kaasi oo sheegayey in diiwaangelinta cod bixintooda doorashada  la hoos gaynayo Hargeysa .

Dadweynaha oo saaka isku soo bax ka sameeyey Lughaya ee dhanka xuduudda Jabouti ka xigta magaalada Borama isla markaana hoos tagta gobolka Awdal ayaa ku dhawaaqayey erayo ay kaga soo horjeedaan amarkaasi oo uu bixiyey wasiirka arrimaha gudaha  Yaasiin Axmed Faratoon .Waxayna sheegeen dadkani inaanay codkoodu hoos tagi Karin gobolka Hargeysa maadaama ay ka tirsan yihiin gobolka Awdal .

Waxaa muran ballaaran uu ka jiray Lix goobood oo ku yaalla degmada Lughaye oo la isku haystay ma Hargeysa ayay la midoobayaan mise gobolka Awdal, iyadoo diiwaangelinta Lixdaa goobood khilaafka jira dartii loo joojiyay.

Wasiirka  arrimaha gudaha  Somaliland Mr  Faratoon  ayaa sheegay in  waqtigan ay gaartay xilligii la diiwaangelin lahaa dadka ku nool Lughaye isaga oo xusay in doorashada madaxweynenimada oo kaliya ay codaynayaan madaama ta xidlhibaanada ee degaanada ku salaysan ay muranka sii xoojin karto, sidaa darteed Lixdaa goobood doorashada madaxtooyada oo kaliya ay ka qeybgalayaan.

Odayaasha dhaqanka gobolka Awdal ayaa iyaguna madaxweyne Siilaanyo ugu  baaqay inuu raaco oo uu tixgeliyo rabitaanka shacabka oo ay ku sheegeen inuu yahay mid ka soo horjeeda amarka wasiirka arrimaha gudaha .

Doorashadii madaxweynaha ee sannadkii 2010kii Somaliland ka qabsoontay  waxa sidan oo kale khilaaf dhanka codadka ah uu ka yimid deegaanka Baki oo labadan gobol ee Hargeysa iyo Awdal ay ku murmeen waxaana xal loo arkay in dadka  deegaanada ugu dhaw ee codka laga bixin karo ay adaan iyadoo la baajiyey codayntii deegaanka muranku ka taagnaa.

Goobjoog News