U bood dhigaalka

Somaliland: Dowladda Soomaaliya Waxaa Ay Colaad Ka Abuurtay Gudaha Somaliland

Sheeko:Dalka, War

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-barwaaqo ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Inkasta oo wasiirku aanu ka hadal khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka tukaraq ee dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland, ayaa haddana waxa uu dawladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku kacday falal colaad abuur ah gudaha Somaliland, isagoona sharci darro ku tilmaamay socdaalkii wasiirka qorshaynta Soomaaliya uu ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in ciidanka Somaliland aanay diyaar u ahayn inay ku xad-gudbaad xuduudaha dalalka deriska hase ahaatee ay mar walba heeggan u yihiiin inay qarankooda difaacdaan, waa sida hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri Barwaaqo waxa uu dalalka deriska ah iyo bulshada caalamka ugu baaqay in ay la socdaan waxa uu ku sheegay dhaq-dhaqaaqyada colaadeed ee ay soomaaliya ka wado labada xad xuduud.

Dagaal maanta ka dhacay deegaankaas waxaa la wareegay ciidamo ka socda Somaliland, deegaanka oo ka tirsan Sool waxaa mar walbo ku dagaala beelo iyo maamullo kala taabacsan Somaliland iyo Puntland.

Goobjoog News