Somaliland: Golaha Guurtida Oo Meelmariyey Xeerka Kufsiga

Xildhibaannada golaha guurtida ee baarlamaanka Somaliland ayaa maanta waxay ansixiyeen xeerka kufsiga iyo tacaddiyada la xiriira oo horey usoo ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Somaliland.

Xeerkan ayaa ka hor ansixintiisa wuxuu muran xooggan ka dhex dhaliyey xildhibaannad agolaha guurtida iyo ururada u dooda arrimaha haweenka, gaar ahaan kuwa maxalliga ah ee Somaliland ka howlgala.

Golaha guurtida ayaa wax ka bedal ku sameeyey xeerkan, waxaana markii codka loo qaaday aqbalay 35 mudane, 7 ayaa diidday halka 9 ay ka aamustay.

Xeerkan ayaa dhigaya in qofkii geysta kufsi lagu xukumo 25 sano oo xarig ah, kan kufsiga la socda jir dilka geystana xabsi intaas ka badan, halka qofka isaga oo qaba HIV AIDS ee kufsada lagu xukumayo xabsi madaxaa haku furto ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW