U bood dhigaalka

Somaliland: Haramcad La Badbaadiyay Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Dr Laurie Marker oo ah haweenay ka shaqaysa daryeelka xayawaanka Haramcad ayaa waxay ku guulaysatay in ay badbaadiso 49 Haramcad kuwaaasi oo ay wateen dadka tahriibiya Duurjoogta, gudaha Somaliland.

Wargeyska The National ee dalka Imaaraadka Carabta oo qoray sheeko ku saabsan haweenaydan ayaa sheegay in laba nin oo ka mid ah dadka Haramcadka ugaarsada lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah, waxaana hawshaasi ka shaqeeyay urur ay leedahay Dr. Marker iyo Wasaaradda deegaanka Somaliland.

Waxaa ay intaas ku dartay in tiro badan oo ka mid ah Haramcadka bariga kuwaasi oo ku nool wadamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya in ay si dhab ah ay u baaba’een kwa hadda joogana ay halis ugu jiraan in ay dhabar go’aan.

Sida uu Wargeyska qoray labo weerar oo la qaaday bishii Agoosto waxaa lagu soo badbaadiyay ku dhowaad 8 Haramcad oo la doonayay in la tahriibiyo.

Haramcadkii ugu dambeeyay oo la badbaadiyay bishii lasoo dhaafay ayaa dhawaan dhintay.

Dr Laurie ayaa waxaa ay sheegtay in ay xanaaneyso caafimaadka Lix Haramcad kadib markii laga badbaadiyay 5 Agoosto halka mid ka mid ah uu ku geeriyooday meel u dhow dekadda Berbera

Haweenaydan ayaa Somaliland ka hawl-galaysay tan iyo 2011kii.

Ku dhowaad 1000 kun oo Haramcad ah ayaa laga helayaa guryaha, meelaha bulshada ee wadamada Sacuudiga,Imaaraadka, Kuwit iyo Qatar waxaana la tilmaamaa in ay wax yar sii noolaadaan markii ay weynaadaan.

Caddeymo ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Haramcadyadan ay si shari darro ah ay uga helaan wadamadan geeska Afrika.

Goobjoog News