U bood dhigaalka

Somaliland: Hay’adda Shaqaalaha oo Tababar u Furtay 15 Kun oo ka Tirsan Shaqaalaha Rayidka ah

Sheeko:Dalka

Hay’ada shaqaalaha rayidka ah ee Somaliland ayaa tobobar muddo hal sanno ah soconaya u  bilawday 15,000 oo ka mid ah  shaqaalaha dawaladda u diiwaangashana,   kuwaasi oo  Labo Labo maalmood loogu qaybiyey waqtiga uu tababarku u soconaayo si ay fursadda ugu wada faa’ideysanaa ugana wada qeyb qaataan.

Wajigii koobaad ee tobobarkan oo shaqaalaha qaarkood uga furmay magaalada Hargeysa, ayaa  waxaa shaqaalaha lagu tababarayaa qaabka hufnaanta shaqo ee ay  u gudan lahayeen howshooda shaqo .

Shaqaalahan oo hadba kooxda isku shaqada dhawi la israacinayo tababarkooda, ayaa haddana waxya ka siman yihiin, tababarka la dagaalanka musuqa iyo dhiirigelinta hawlkarnimada.

Agaasimaha hay’ada shaqaalaha dawladda Axmed Siciid ayaa ka hadlay furitaankii tobobarka oo  sheegay inay bilaw u tahay qorsheyaal ah in la tayeeyo shaqada loo hayo bulshada.waxaanu yiri:

“ Waxa halkan inooga furmi doona laba maalmood oo tababar ah taas oo hadafkeenu yahay inaanu tayeyno oo aanu dar dar gelino  shaqaalaha si aynu uga qayb qaadano dar dar gelinta dhamaan shaqada qaranka.”

Guddoomiyahii hore ee hay’adda shaqaalaha Maxamed Mixile Boqore  oo isaguna ka hadlay furitaanka tababarkan ayaa ka waramay u jeedooyinka loo qabtay tababarkan waxaanu yiri “Tababarkan waxaan u qabanay inaynu is yar xasuusinno shaqadeenu maxay tahay?, qofk walba maxaa laga rabaa, waajibaadka laynaga rabaa waa inaynu dib ugu noqonno wasaaradihii mar dambe oo aynu  ku baahno si aynu u ogaanno in qaabka ay u shaqeeyaan yahay qaabkeenii iyo in kale, sida loo shaqaynayana waa in inaga laynaga eegtaa.” Ayuu gudoomiye Maxamed Mixile Boqore oo hadda xilka kasii dagaya.

Sidoo kale gudoomiye Boqore ayaa sheegay inay wadaan mashruuc lagu tayeynayo shaqaalaha iyo shaqadooda, kaas oo uu hir gelinayo Bankiga Aduunka, waxaanu hawl wadeenada hay’adda shaqaalaha kula dardaarmay inay dadaal aad u badan muujiyaan.

Shaqaalaha dalwadda u diiiwaangashan  ee mushahaarka qaata ayaa lagu sheegaa inay sannadkan gaarayaan 15’000 (shan iyo toban kun) oo shaqaale ah, balse inta badan waxaa jira in tirada kala bar  ka ah tirada guud ayna soo xaadirin goobahooda shaqo mushahaarkoodana ay u xaadiraan dhamaadka bisha.

Goobjoog News