U bood dhigaalka

Somaliland: Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Hoose/dhexe Oo Bilowday

Sheeko:Dalka

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo hoose/dhexe ee Somaliland ayaa saaka si rasmi ah uga furmay guud ahaan dalka.

Ku dhowaad soddon kun oo arday ayaa sannadkan u fadhiistay imtixaanka labada qeyb ee dugsiga sare iyo midka hoose/dexe.

Wasiirka waxbarashada iyo seyniska Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamud oo kormeel goobaha ku tagay waxaa uu yiri “ilaa iminka goobihii loo diray imtixaanka si nabad ah ayey ku gaareen, ilaa imikada xaaladdu wey wanaagsan tahay, imtixaannaduna wey gaareen”.

Wasiir Faratoon oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Waxa la doonayaa maamulayaasha goobaha imtixaanaadka iyo macalimiinta kale ee ilaaliyayaasha ah iyo cid kasta oo ku hawl leh imtixaanka inay si fiican u gutaan masuuliyada saaran, ardayduna meel kasta oo ay joogaan waa inay isku kalsoonaadaan oo ay imtixaanka si wanaagsan u galaan, wasaaraduna mudada imtixaanku socdo wixii lala kulmo galabnimada ayey wasaaradu ka fadhiisanaynaa, waana naloo soo gudbinayaa wixii ka dhaca goob kasta oo dalka ka mid ah , wixii talaabo ah ee nala gudboona waanu ka qaadaynaa.”

Goobjoog News

Sawirro U Gaar Ah Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada