U bood dhigaalka

Somaliland: Ismaaciil Hurre Buubaa oo Xisbiga Kulmiye Ku Dhaliilay Siyaasad Xumo

Sheeko:Dalka

Pro. Ismaaciil Hurre Buubaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, hadana ah xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa xisbiga Kulmiye ee maamula Somaliland waxa uu ku dhaliilay inuu yahay xisbi aan wax badan ka fahamsaneyn siyaasadda lagu hagi karo Somaliland.

Siyaasi Buubaa oo ka hadlaayey munaasabad lagu maamuusayey guddoomiyaha xisbiga uu ka tirsan yahay Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay in bulshada Somaliland looga baahan yahay sidii ay iskaga bedeli lahaayeen xisbiga Kulmiye, maadama uu horseedayo in Somaliland gasho dib u dhac ay adkaan doonto in laga soo kabto.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlayey aragtidiisa ku aaddan siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu yiri ”Kulmiye maaha xisbi dalkan iyo dadkan sii hagi kara waa waqtigii la bedeli lahaa sababta oo ah siyaasad ma hayo , mana aha xisbi awood leh oo maanta la dooran karo”.

Pro. Buubaa ayaa xisbigiisa Waddani sidoo kale ku amaanay  inuu yahay xisbiga  kaliya ee guddoomiye ku wareejiyey shakhsi aan xisbiga muddo dheer ku soo jirin, isaga oo cabdiraxmaan Cirro oo ahaa guddoomiyihii hore  ee xisbiga hadana ah musharaxa ku tilmaamay inuu taariikhda Somaliland meel wanaagsan ka galay.

Ismaciil Hurre ayaa ka mid ahaa siyaasiyiin dhawr iyo toban ah oo horraantii bishan ku biiray xisbiga Waddani.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada