U bood dhigaalka

Somaliland Iyo Khaatumo Oo Gaarey Heshiis Ka Kooban 11 Qodob

Sheeko:Dalka

Magaalada Addis Ababab ee xarunta wadanka Itoobiya waxaa ku dhammaadey shir halkaasi ay ku lahaayeen maamullada Somaliland iyo Khaatumo State.

Xubnaha kala matalayey Labada dhinac ayaa gaarey heshiis horudhac ah oo ka kooban 11 qodob, kaasi oo wax badan ka bedali kara xaaladda gobollada Labada dhinac isku haystaan.

Heshiiska la gaaray waxaa kamid ah in laga wada shaqeeyo ammaanka, ciidamada Somaliland ay soo joogaan Sool iyo Sanaag, sidoo kalena la ilaaliyo wax walbo  oo wax u dhimi kara wada hadallada Labada dhinac.

Sidoo kale waxyaabaha la isla fahmay waxaa kamid ah in laga wada qeybqaato fulinta mashaariicda horumarineed ee Sool iyo Sanaag iyo Qodobo kale.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada heshiiska

heshiis-ok

Goobjoog News