U bood dhigaalka

Somaliland Iyo Puntland Oo Loogu Baaqay Nabadeynta Beelihii Ku Dagaallamay Sool

Sheeko:Amniga

Waxgaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay Puntland iyo Somaliland iney kaalin ka qaataan sidii lagu dhammeyn lahaa colaadda gobolka Sool.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah waxgaradkan ayaa  sheegay in dagaal sii socdaa aanu waxbo soo kordhineyn.

Waxa uu sheegay garaadka in sidoo kale la doonayo iney Somaliland iyo Puntland ay dhankooda ka shaqeeyaan sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa.

“Somaliland iyo Puntalnd waxaa haboon iney xalliyaan colaaddan soo noqnoqotay, waxaana waajib ka saaran yahay cid walbo oo Soomaali ah” ayuu yiri Garaadka.

Beello walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladaasi.

Goobjoog News