U bood dhigaalka

Somaliland: Khasaaraha Ka Dhashay Dagaallo Ka Soo Cusbnoonaaday Degaanka Ceel-afweyn

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay dagaal mar kale ka soo cusboonaday deegaanka Ceel-afweyn, kuwaas oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo degaanka ku dhaqan.

Wasiirka ayaa ugu horreyn ka hadlay dadaaladii ay ku bixiyeen beelahaa dagaalamay isagoo xusay in ilaalinta xasilloonida darteed ay go’aanno adaga ka soo saareen:

“Degaanka Ceel-afweyn waxaa ka dhacay dagaal aad u xun, halkan ayaanu ka gurmannay aniga iyo wasiirro badan oo kale, illaa 7 wasiir baanu meeshaa ku tagnay, waxaa kale oo gurmad xoogleh sameeyay oo meeshaa ka howlgalay ciidamda oo milatari iyo booliiskaba leh, waxaa kale oo ka qeyb qaatay nabadeyntaa odaal badan , salaadiin, madax dhaqameed farabadan, wax garad, culumo awdiin ka tagay deegaamo kala duwan, arrintaa guulbaa laga gaadhay, awaamiir farabadan oo xakameynaya nabadda  xasiloonidana soo celinaya ayaa dowladdu ka soo saartay dadkii arrimahaasi khuseeyeen ee degaanadaas deganaana aadbay ugu qanceen”.

Wasiirka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in maalinimadii shay dhacdooyin nabadarro ah ay degaankii markale ka dheceen:

“Waxaa nasiibdarro dhacday iyadoo xasiloonidii gacanta lagu hayo in shalay dhacdooyin nabad darri ah ka dheceen deegaanno ku wii markii hore ay wax ka dheceen aan ahayn oo ka soo yara durugsan, sababaha ay u dheceen iyo cidda ka dambeysay baadhis baanu ku haynaa. Awaamiirtii dowaladdu soo saartay wax alaaliyo wax is ka bedelay aanuu jirin ee sidoodii ay yihiin sidii dowladdu ugu talogashayna sidoodii ay”.

Waxa uu wasiirku aad u amaanay ciidamda oo sida uu sheegay kala badbaadiyay labadaa beelood ee walaaha ah oo haddii aaney ka soo gaari lahayn sida uu tilmaamay dhiigbadani halkaa ku daadan lahaa;

“Shalayto ciidanku markiiba wuu soo gurmaday in kastoo khasaare dhacay oo labo qofi meeshaa ku dhimatay labo kalena ay ku dhaawacantay haddaan ciidanka qaranku soo gaadhin maanta mayd badan baa la tirin lahaa dhiig bandanna wuu quban lahaa”.

Wasiirku waxa uu dusha u ritay khasaarihii shalay ka dhacay deegaanka Ceel-afweyn, maadaama ay iyagu gacanta ku hayeen nabadeynta deegaan:

“Khasaarihii shalay dhacay oo qaarkood loo tirinayo iney ciidamadu sabab u ahaayeen iney dowladdu qabto oo iyadu ay qaadaneyso khasaarihii meeshaa ka dhacay, maadaama ay nabadayn iyadu halkaa ka wadday”, waana sida uu wasiirku hadalkiisa u dhigay.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii xukuumadda Somaliland ay go’aanno adag oo aad u tiro badan ka soo saartay xakameynta dagaallada sokeeye ee labada beelood degaanka Ceel-afweyn.

Goobjoog News