U bood dhigaalka

Somaliland: Khilaafka Hoggaanka Sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Keenay In Dad Badan Dib Uga Gurtaan

Sheeko:Dalka

10 Xubnood oo ka tirsan hoggaanka  xisbiga mucaaradka ah ee UCID, gaar ahaan laanta gobolka Togdheer, ayaa sheegay inay iska casileen xilalkii iyo xubinimadii xisbiga ay ka ahayeen waxayna ku sababeeyeen xisbiga oo leexiyey dhammaan siyaasaddii ay ka midaysnaayeen.

10-ka xubnood oo shir jaraa’id  oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa waxay ku tilmaameen xisbiga ay ka baxeen mid siyaasad ahaan aad u liita waqtigan oo qarka u saaran inuu  saaxadaba siyaasada Somaliland ka baxo .

Masuuliyiintan is casilay oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Aadan Xasan Alaale Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer, Mukhtaar Nadaara afhayeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Abdi Sugaal Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka Dhalinyarada Ee Gobolka Togheer iyo  Naasir Bedel  xoghayihii xisbiga ee gobolka Togdheer ayaan sheegin meel kale oo ay ku biireen ama ay ku biirayaan maalmaha soo aaddan.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Jamaal  Cali Xuseen  oo ka hadlay  ayaa sheegay in xubnahan uu magacaaby guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay isaga dacwad ka dhan ahi  uga socoto maxkamadda sare ee Somaliland taasi oo ku salaysan musharaxnimadiisa waxaanu intaasi  ku daray in  wax kasta oo soo food saara xisbiga UCID  uu masuuliyadeeda leeyahay Faysal Cali waraabe oo uu ku tilmaamay inuu xisiga burburkiisa hor seedayo.

Shantii bilood ee ugu dambeeyey  waxa waqtiyo kala duwan la shaaciyey in xisbiga UCID ay ka tageen masuuliyiin kala duwan kuwa kalena uu guddoomiyaha xisbiga uu sheegay inuu xilkii ka qaaday

Goobjoog News