U bood dhigaalka

Somaliland: Ma Jiro Dagaal Shalay Ka Dhacay Tukaraq

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa sheegtay in aysan waxbo ka jirin dagaal la sheegay in maalintii shalay ahayd ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Wasiirka Horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa warbaahinta u sheegay in shalay dadku ay maqleen rasaas, taasi oo uu ridey wiil dhallinyaro ah oo uu sheegay inuu ka tirsan yahay ciidankii Khaatumo, balse aanay ahayn Somaliland iyo Puntland.

In dagaal dhacay ayuu wasiir Koore ku sheegay iney ka maqleen  warbaahinta madaxa banaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka kale, Koore ayaa sheegay in ay la kulmeen shacabka ku dhaqan deegaanka Tukaraq, una sheegeen in loo keeni doono wax walbo oo ay ka tabayaan dowladnimada.

“Wax isku dhac ah oo yimid ma jiraan, wiil waddooyinka fariisan jiray baa xabad riday baa la yiri, dagaal dhacay ma jirto, wiilkaan gaadiidka buu dhici jiray mana ahan Somaliland iyo Puntland waa mid la ii sheegay inuu Khaatumo kamid ahaa, Labada dhanba xog ogaal baa laga ahaa, marka meel isbedal ku yimaado waad iska garan kartaa waxa imaanaya, meeshii baanu tagnay, dadkii deegaanka waan la hadalnay waana u sheegnay in wixii dowladnimada ka maqan loo dhammeystirayo, dadka iyo deegaankana aad bay ugu faraxsanaayeen in ciidamadu yimaadaan deegaanka” ayuu yiri wasiir Koore.

Xiisad u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ayaa saacadihii ugu dambeysay laga soo sheegayey deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Goobjoog News