U bood dhigaalka

Somaliland: Ma Jirto Cid Inoo Mataleysa Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin cid dhankooda ka socota oo u matelysa doorashada ka dhacaysa dalka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhammaan dadka kasoo jeeda deegaannadooda ee qeybta ka ah dowladda federaalka u arkaan dad qiyaano ku sameeyey dalkooda waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiir Saxardiid ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay tahay dal doonaya inuu helo aqoonsi caalami ah, ayna jiri doonin shaqsiyaad dhankooda ka tagey iney arrintaasi caqabad ku noqdaan.

“Annaga cid inoo mataleysa doorashada Soomaaliya ma jirto, dadka halkaan ka tagey ee Xamar tagey waxaan u aragnaa oo kaliya dad shaqo doontay, waa dad dalkooda qiyaanno ku sameeyey, sidaasi darteed go’aankeenu wuu cad yahay, haba qaadato 100 sano waan wadeynaa halganka gooni isku taagga” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli la filayo in magaalada Muqdisho ay dhacdo doorashada xubnaha Labada aqal ee Somaliland u matali doona dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News