U bood dhigaalka

Somaliland: Madaxweynaha La Doortay, Maxaa Hor-yaalla, Maxaase Laga Filayaa?

Sheeko:War

Madaxweynaha la doortay 13kii bishan November Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa hor-yaalla arrimo dhowr ah oo u baahan in muhiimadda koowaad uu siiyo isaga iyo xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doonno.

Madaxweynaha la doortay ayaa waxa uu xilka la wareegayaa xilli Somaliland uu ka jiro sicir-barar baahsan kaasi oo saamayn ku yeeshay noloshaa dadka reer Somaliland, iyadoo sicir bararka dalka ka jiraa uu noqonayo kii ugu xumaa abid ee Somaliland soo mara.

Bulshada Somaliland ayaa iyagu in badan horay uga codsaday xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee isla xisbiga Kulmiye in wax laga qabto sicir-bararka hase ahaatee weli waxa muuqata in sicir bararku uu yahay mid jira oo aan is baddal muuqda laga gaadhin.

November 21, 2017 oo ah maalintii lagu dhawaaqay doorashada madxweynaha cusub ayaa waxa uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uu dareemayo culeys badan oo ah masuuliyadda loo igbaday gaar ahaan wuxuu carrabka ku dhuftay dhaqaalaha waddanka oo aad u hooseeya.

Muddadii uu socday tartanka doorashada Somaliland gaar ahaan ololaha doorashada ayaa waxa dhacday kala fogaansho dhinaca siyaasadda ah gaara ahaan shacabka taasi oo keeni karta in midnimada shacabku ay wiiqanto wallow madaxweynaha la doortay uu yidhi maalintii lagu dhawaaqay doorashadiisa “Waxaan u baahannahay maanta midnimo haddii Alle yidhaahdo hawshaas ayaan galayaa oo number kow ii ah”.

Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli shaqo la’aanta dhalinyaradu ay tahay mid wayn isla markaana dhalinyaro badan ay u tahriibeen wadamada reer galbeedka gaar ahaan qaaradda Yurub halka kuwo kalena ay ku dhinteen saxaraha taxaraha iyo jidka tahriibka.

Shaqo la’aanta dhalinayrada Somaliland ayaa la sheegaa in ay sabab u tahay musuq-maasuqa ka jira hay’adaha kala duwan ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana madaxweynaha la doortay la sheegaa in uu yahay nin aad u neceb musuq-maasuqa taasna waxay sababi kartaa in madaxweynuhu uu door muhiim ah ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada. Waayo Muuse Biixi waxa uu horay u sheegay in dhalinyarada intooda badan uu shaqo qaran u samayn doonno isla markaana uu wax-soosaarka dadka iyo dalka kor u qaadi doonno.

Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli Somaliland aanay weli helin aqoonsi ama ictiraaf muddo 27 sano ku dhow, waxay taasi kamid tahay caqabadaha.

Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli weli shacabka magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa ay naawilayeen ama ay  filayeen in ay helaan biyo ku filan iyadoo xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday ee uu xilka kala wareegayaa ay horay shacabka caasimadda ugu ballan-qaaday in ay heli doonnaan biyo ku filan balse arrintaasi may noqon mid suurtogasha muddadii toddobada sanno ahayd ee ay shaqaynaysay xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynaha la doortay waxa uu xilka la wareegayaa xilli ay tabashooyin weli tirsanayaan dadka deggan deegaannada darafyada Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo gobollada kale ee dalka horumar ahaan ka dambeeya. Waxaana madaxweynaha cusub laga rajayn sidii uu xal uga gaadhi lahaa tabashooyinkaasi.

Si kastaba, madaxweynaha la doortay waxa laga sugayaa midaynta dadka, dalka iyo isku filnaanshaha oo uu horay u ballan-qaaday.

W.Q: Khaalid Foodhaadhi – Hargeysa