U bood dhigaalka

Somaliland: Mas’uuliyiin loo xiray Musuq-maasuq

Sheeko:Dalka

Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabey laba mas’uul oo ka tirsanaa wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Labadan masu’uul ayaa kala ah, agaasimihii wasaaradda warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame iyo agaasimihii Maamulka iyo Lacagta Wasaaraddaasi Xasan Maxamuud Muxumed.

Xadhiga labadan mas’uul ayaa la sheegay in uu amray Hanti-dhawrka guud ee Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyay baadhis la xidhiidha masuqmaasuq ku waday wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Agaasimaha maamulka iyo lacagta ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay xubin awood badan ku dhex leh wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Muddadii ay hanti-dhawrku ay baadhista ku wadeen wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa waxaa gubtay dhisme muhiim ah oo ka tirsan wasaaraddaasi kaasi oo la sheegay in ay ku baxday lacag tiro badan.