U bood dhigaalka

Somaliland: Mucaaradka Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Inay Dhageysato Telefoonnada

Sheeko:Dalka

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ayaa cambaareeyay qalab ay sheegeen in ay soo iibsatay xukuumadda Somaliland kaasi oo ay sheegeen in lagu dhagaysanayo codadka telefoonnada muwaadiniinta, hoggaamiyeyaasha mucaaridka ah iyo diblomaasiyiinta.

War qoraal ah oo xisbiga UCID soo saaray maanta ayaa lagu sheegay in sidoo kale xukuumaddu la socon doonto farriimaha iyo lacagaha (electronic) ah ee ay bulshadu isku dirayso.

Hase ahaatee xukuumadda Somaliland oo horey uga hadashay qalabkan ayaa sheegtay in aanay haysan qalab lagu dhagaysanayo telefoonnada.

Goobjoog News