U bood dhigaalka

Somaliland: Muuse Biixi Oo Daahfuray Tiro Koobka Hantida Ma Guurtada Ah

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda oo ay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobolada Somaliland oo dhan.

Xogtaan ayaa noqon doonta mid lagu keydiyo hantida dawladdu leedahay ee ma guurtada ah.

Madaxtooyada Somaliland  ayaa lagu qabtay Munaasabadda daah rogga waxaa ka soo qayb-galay, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntaCilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Madaxtooyada Maxamed Cali bille, masuuliyiin kala duwan iyo hawl-wadeenada wasaaraddaasi.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isaga oo tilmaamay in arrintaan looga golleeyahay in lagu diiwaan geliyo hantida Ma guurtada ah.

“Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta ayaa soo qabanqaabisay Mashruucaan kaasi oo lagu diiwaan gelinayo hantida guud waxaan dareemayaa wasaaraddu xaaladda ay ku shaqeyso oo dhaqaalo ahaan aad iyo aad u kooban”.

Mashruucaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyahay wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta waxaana lagu tiro koobayaya hantida Ma guurtada ah ee Somaliland.

Goobjoog News