U bood dhigaalka

Somaliland: Muuse Biixi Oo Soo Dhoweeyay hadalkii Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu soo dhoweeyay hadalkii kasoo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasi oo ahaa in xabbad joojin laga sameeyo colaadda deegaanka Tukaraq.

Madaxweyne Biixi oo xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday hay’adda laanqayrta cas ee caalamiga ah (ICRC) ayaa waxaa kale oo uu sheegay in maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Tukaraq ay ehelladooda u ogolaadeen inay soo booqdaan.

Deegaanka Tukaraq ayaa weli waxaa ka taagan colaadda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland waxayna isku heystaan cidda maamuleysa deegaankaas.

Goobjoog News