U bood dhigaalka

Somaliland: Ololaha Doorashada Oo Si Rasmi Ah u Bilowday

Sheeko:Dalka

Deegaannada maamulka Somaliland waxaa si rasmi ah uga bilowday ololaha doorashada ee maamulkaasi, iyadoo xisabiyadu ay shacabka ka raadin doonaan taageero badan.

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta si rasmi ah u bilowday ololihiisa, waxaana waqti lasiiyey usoo bilowday habeenkii xalaya ahaa, illaa caawa fiidkiina waa ay ku egtahay.

Waxaa xigi doona xisbiyada oo mid walbo la siinayo 24-saac oo kala sugis ah, iyadoo hadda ololahan uu ka bilowday magaalada Hargeysa.

Xisbi walbo waxa uu meel fagaare ah isugu keeni doona taageerayaashiisa, waxaana la hadli doona madaxda xisbiga.

Sidoo kale waxaa jira gaadiid badan oo magaalooyinka wareegaya, waxaana ay dadka ugu baaqayaan in codka ay siiyaan xisbiga ay u ololeynayaan.

13-ka bisha November ayaa lagu wadaa in shacabka maamulka Somaliland ay u dareeraan codbixinta doorashada oo Saddex xisbi ku tartamayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News