U bood dhigaalka

Somaliland oo Baaq Ku aaddan Ka Qeybgalka Siyaadadda Geeska U jeedisay Urur Goboleedka IGAD  

Sheeko:Dalka

Somaliland ka codsatay madaxda Urur-goboleedka IGAD oo todobaadkan shir uga furmayo magaalada Muqdisho ee caasimadda  Soomaaliya  inay Somaliland siiyaan xuquuqda ay leedahay ee ka qayb qaadashada  siyaasada geeska afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland  Sacad Cali Shire  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay madaxda ururka IGAD   u sheegayaan inay Somaliland dalka Soomaaliya intiisa kale ay ka madax banaan tahay, sidaa darteed la tixgeliyo;  “Waxaan halkan jecelahay in aan farriin uga diro urur gobaleedka IGAD waxaanan halkan ka cadeynayaaa in Somaliland  tahay waddan ka mid ah wadamada Geeska Africa  dadkiisa iyo dalkiisuna xaquuq ku leeyahay Ururka IGAD  loona baahan yahay in xaqiisa la siiyo wax kasta oo waddan xaq u leeyahay na la siiyo isla markaana qadiyada Somaliland  ay ka mid noqoto qadiyadaha ajandaha ugu jira  isla markaana hor yaalla Waddamada IGAD, markaas waxaa mihiim ah  in urur gobaleedku xaqeeda siiyo Somaliland ”.

Somaliland oo  25 sano ka hor sheegtay inay ka go’day Somaliya ayaan wali dalalka iyo ururrada kala duwan ee  dunida midna aan ka hellin wax aqoonsi, iyadoo ay ku doodayaan siyaasiyiinta Somaliland inay u dhabar adaygayaan diidmada joogtada ah ee ay kala kulmaan beesha caalamka.

Goobjoog News