U bood dhigaalka

Somaliland oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay in Moorgan Laga Reebo Aqalka Sare ee BF Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddida dabagalka dhibaatadii ka dhacday  waqooyiga Soomaaliya xiligii dagaalladii sokeeye ee SNM iyo dawladdii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Axmed Cabdi Like  ayaa ku baaqay inaan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya aan lagu soo darin General Maxamed Siciid Moorgan oo waqtigaasi ahaa  taliyihii guutada  26-aad ee ciidanka militariga Soomaaliya.

Axmed Like  oo warbaahinta la hadlay Arbacadii ayaa sheegay in General Moorgan oo mar kale wax ku yeesha talada Soomaaliya ay horseedayso nacayb iyo in dib loo xusuusto dhibaatooyin ay dadka reer Somaliland tabanayeen ee ku kalliftay iney goonni isku taagaan, waxaanu yiri isaga oo qodobkaasi ka hadlaaya ” Waxaanu soo jeedinnay  haddii aanu nahay Somaliland in Maxamed Siciid Moorgan  aan laga qaybgelin talada dalka Soomaaliya sababta oo ah waa arrin abuuri karta in dib loo xusuusto dagaalladii dhacay “.

Guddoomiyaha dabagalka  dhibaatadii ka dhacay Somaliland ayaa waxa kale oo uu sheegay iney Somaliland ku baaqayso in beesha caalamku ay soo farogeliso sidii General  Maxamed Siciid Moorgan aanu markale uga qayb qaadan lahayn talada dadka Soomaaliya, waxaanuu xusay hadday suurogal tahay iney codsanayaan in gacanta loo soo galiyo .

“Waxaan adduunweynaha u sheegaynaa ee dowladda Xamar u sameynaya golayaasha in aaney ku darin dagaal oogayaashii iyo gacan ku dhiiglayaashii golayaasha, waxay is leeyihiin kaga baxsada maxkamad ama tii hore oo kale ayay geysan doonaan, waayo; tii hore ayaan waxba ka gaadhin(lagula xisaabtamin)”, ayuu yiri Axmed Like.

General Maxamed Siciid Moorgan  ayaa ka mid ah xubnaha u sharraxan aqalka sare ee Soomaaliya  u matalaaya dawlad goboleedka Puntland, isagoo  shalay xarunta baarlamaanka Puntland ka hor akhriyey taariikhdiisa iyo qorshayaasha waxqabad  inta uu yahay xubin ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada