U bood dhigaalka

Somaliland Oo Eedeysay Dowladda Federaalka Iyo Shaki Ay Geliyeen Sii Socoshada Wadahadalka Labada Dhinac (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

somaliland flagWasaaradda Macdanta Somaliland ayaa si kulul uga hadashay war-saxaafadeed shalay kasoo baxay Wasaaradda Macdanta Iyo Batroolka dowladda Federaalka, kaa oo ku aadan in shirkad dalka Shiinaha laga leeyahay laguna magacaabo ARC ay si sharci darro ah hawlo macdan qodis ah uga wado Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal, iyada oo digniin loo diray shirkadaasi.

Wasiir Macdanta maamulka Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dowladda ay kusoo xad gudubtay dhulka Somaliland, islamarkaana ay soo qaaday duulaan cad waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay damacsan tahay hurinta colaad ka dhex dhalata dadka deegaanka, waxaana uu sheegay in marar badan ay tani oo kale ku arkeen.

“Waxay caadeysatay dowladda Soomaaliya, inay is hortaagto horumarka iyo amniga uu gaaray dalka Somaliland, maantana ma ahan waxa ugu horeeyo, horayna sidaan oo kale ayeey isku hortaagtay hormaro badan oo aynu u socono oo ah in aynu kheyraadkeena lasoo baxnp” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka shaqeysay iska hor keenkaa dadka degan gobalada Sool iyo Sanaag, hadana ay damacsan tahay in ay iska horkeenaan dadka degan Awdal, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nabad galyada ay sheegayaan ee ay ilaalinayaan ma ahan mid ay xamar noo sameysay waa mid ay sameysay Somaliland, tan dowladda Xamar ee dabaabadaha ciidan Ajnabi ah ku ilaaliyo iyo shacabkeeda qaar ka mid ah maalin walba qaar meel lagu qarxinaayo waxaa u eg inay sugaan nabadda shacabkooda ee tan waxba kama gelin oo waxaa ku filan dowladdeena” ayuu hadalkiisa raaciyay Xuseen Cabdi Ducaale

Dowladda Soomaaliya ayuu uga digay in mar kale aanay faraha lasoo gelin arimaha Somaliland, waxaana caalamka uu u sheegay in lasoo kala dhex galo iyaga iyo dowladda, lana kala xadeeyo.

Mar wax laga weydiiyay wasiirka in arintaan ay saameyn ku yeelan karto wada hadalka iyaga iyo dowladda Federaalka u dhaxeeya ayuu sheegay in dhaawac uu soo gaarayo mar hadii uu tilmaamay in dowladda ay arimahooda soo dhex gashay.

RIIX HALKAAN SI AAD DIB UGU AKHRISO QORAALKII SHALAY EE WASAARADDA MACDANTA DOWLADDA FEDERAALKA SOO SAARTAY

Hakaan Hoose Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Macdanta Somaliland oo dhinacyo badan taabana.

 

Goobjoog News